Shir lagu qiimaynayay waxqabadka rubuca 2,aad ee sanadka 2010TI ee degmooyinka maamulka iyo maamul magaalooyinka gobolka faafan ayaa ka furmay madasha shirarka magaalada awbare ee xarunta degmada awbare
shirkan qiimaytan oo diirada lagu saarayo hirgalinta qorshayaasha horumarka, maamulka suuban ee u dajisnaa degmooyinka gobolka faafan gaar ahaan hirgalinta qorshaha ah isku filnaanshaheena waan soo ceshan karaa ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta gobolka faafan oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka faafan mudane cabdiwali maxamed iyo hogaaminta maamulada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka gobolka faafan.
Furitaankii shirkan qiimaynta ah ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay mudane Cabdiwali Maxamed si fiican ugu qeexay maamulada degmooyinka ujeedooyinka iyo ahmiyada shirkan qiimaynta ah isaga oo sheegay in qiimayntan xooga la saarayo fulinta qorshyaashii u dajisnaa maamulada degaayinka gobolkan faafan oo ah kuwii heer deegaan laga soo dhaadhiciyey iyo kuwii degmada u qorshaysnaa labadaba sida: qorshaha dhinaca wax soo saarka beeraha iyo dhaqashada xoolaha oo ah nidaam casriya oo lagu hirgalinayo qorshaha isku filnaanshaheena waan soo ceshan karnaa islamarkaana ka mid ah qorshayaasha ugu muhiimsan ee sanadkan ee ka deegaan ahaan xooga la saarayo iyo wacyigalinta bulshada, dakhliga, nidaamka cad-cadaanta iyo islaxisaabtanka miisaaniyada, nidaamka gudi kushaqaynta isagoo gudoomiyuhu tilmaamay inay degmooyinku ku saleeyaan warbixintooda qotobada sare kucad si ay wakhtiga uga faaiidaystaan.
Waxaana la guda galay dhagaysiga warbixinada waxqabadka rubuca 2aad degmooyinka gobolka faafan taasi oo saaka lagu bilaabay dhagaysiga warbixinta waxqabadka rubucii 2aad ee degmada awbare oo uu soo jeediyay gudoomiyaha degmada awbare mudane maxamed cabdi faarax.
Comments are closed