Haddaba, waxaa xusid mudan in maanta waa cusub u baryay guud ahaanba shacabka DDSI ee ku dhaqan gobolada daawo iyo liibaan kuwaasi oo dhibaatooyin xoog leh ka haysan jirtay dhinaca isku socodka deegaanka intiisa kale taas oo ay markay ka tagayaan caasimada deegaanka ee jigjiga ee ay tagayaan gobolada daawo iyo liibaan ay sii dhexmari jireen deegaano kaladuwan oo ay kamid yihiin deegaanka oromada, deegaanka hararida, maamulka Dire-dawa, Maamulka magaalada addis-ababa iyo deegaanka shucuubta koonfureed islamarkaana u socon jiray masaafo dhan 3000 kun oo KM qaadan jirtay in ay socdaan ugu yaraan afar maalmood daal iyo rafaad badana u dheeraa. Waxaa kale oo dhibaatooyin badan ka haysatay dhinaca isusocodka ganacsiga oo ay ka xanibnaayeen inay ku xidhmaan gobolada kale ee deegaanka.
balse waxay maanta xukuumada DDSI ka hirgalisay buundo iskuxidhaysa goboladaas iyo deegaanka intiisa kale oo qofka aroornimad ka ambabaxa caasimada deegaanka ee jigjiga isaga oo aan sii marin tuula kale oo ka tirsan deegaanada kale ee dalka uu si toos ah ugu dheelmanayo xarunta gobolka daawo ee le’yi. Waxaase intaa dheer in buundadan iskuxidhaysa gobolada Daawa, Liibaan , Afdheer iyo deegaanka intiisa kale oo ay dhismihiisa hirgalisay wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee DDSI ay tahay mid hirgalinteedu ku baxday miskax, maal iyo muruqba islamarkaana buundadan la saaray wabiga daawo ay tahay buundadii ku meelgaadhka ahayd ee waangay oo kadib markii la dhamaystiray buunadadii rasmiga ahayd ee waangey laga soo qaaday waangey islamarkaana intii taayiro iyo ekselo si cilmayaysan loogu sameeyay oo lamid ah sidii markii horeba looga qaaday dhagaxle ee loo geeyay waangey oo kale loo geeyay wabiga daawa islamarkaana hirgalinteeda lagu guulaystay maanta.
Ugu danbayna gobolada daawa iyo liibaan oo waligoodba go’doon ka ahaa deegaanka intiisa kale ayaa buundo la’aan darteed ugu xidhnaan jiray deegaanada dariska ah ee oromada iyo deegaanka shucuubta koonfureed.
Comments are closed