haddaba, xukuumada DDSI oo taa ka duulaysa ayaa si ay kor ugu soo qaado nolosha agoonta deegaanka waxay caruurtii waalidkood laayeen nabadiidku u samaysay hoy ay ku daryeesho oo leh waxbarsho heer sare ah taasi oo keentay in arday tiro badan oo agoon ah oo ka qalin jabiyay dugsiyada hoyga ay waxka bartaan jaamacadaha kala duwan ee dalka. iyada dhinaca kale xukuumada DDSI ay hirgalisay shirkado iskood uga shaqaysta wax soo saarka beeraha, xanaanada xoolaha iyo noocyada kala duwan ee ganacsiga kuwaas oo faa’iidada ay sanadkiiba soo saaraan hal mar lagu caawiyo agoonta kala duwan ee deegaanka .
haddaba waxa maanta si siman iyo si bakhtiyaa nasiib ah madasha kulamada ee qaryaan dhoodaan loogu qaybiyay lacag aad u tiro badan 1,336 agoon ah oo laga soo kala xulay 11ka gobol ee deegaanka iyada oo la eegayo sida ay noloshoodu u kala liidato ayaa faa’iidada ay soo saareen sanadkan shirkadaha ku bahoobay agoonta deegaanka oo dhan 80 millyan loogu qaybiyay si bakhtiyaa nasiib ah waxaana lacagta sida bakhtiyaa nasiibka loogu qaybiyay isugu jirtay 50,000kun, 200,000kun 500,000 kun , 750,000kun, 1millyan ilaa 3millyan.
Waxaa kale oo 236 agoon ah si guud loo dhex dhigay bakhtiyaa nasiib ah 3 millyan oo uu hal qof oo ka mid ah agoonta uu qaadanayay waxaana, ku guulaysatay bakhtiyaa nasiibkaasi dhan 1ka millyan marwo Layla faarax oo ka timiday degmada Qubi Tuulada Fooqdheere tuulo hoosaadkeeda Qarari waxayna sheegtay in ay tahay gabadh uu ninkeedu ahaa maleeshiyada degmada islamrakaana uu ku shihiiday isaga oo difaacaya shacabwaynaha qaranka itoobiya.
Isku soo wada duub oo dadaalka ay xukuumadu ugu jirto kor u qaadiska nolosha agoonta uu waalidkoodii laayay nabaddiidku ayaan hayn markii koowaad iyo markiilabaad toona ee waa mid joogta ah oo sanad walba faa’iidada ay soo saaraan shirkadaha ku bahoobay agoonta deegaanka sanadkasta halmar loogu deeqo malaayiin lacag ah kumaan agoonta laga soo kala xulay guud ahaanba deegaanka iyada oo loo eegaya sida ay noloshoodu u kala liidato.
Comments are closed