“Waxan idin cadaynayaa in ay dawladda Soomaaliya aysan wadahayn agabkii loo baahnaa ee looga hor tagi lahaa abaaraha soo noq-noqanaya, balse waxaan balan qaadaynaa in aan muujino lahaanshaha iyo mas’uuliyada ka hor-tagida abaaraha” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya.
Sidoo kale waxuu dadka Soomaliyeed usoo jeediyay in ay noqdaan cida ugu horeysa ee u gurmata shacabka ay abaarahu saameeyaan, si looga maarmo caawinta gacmo kale ama dawladda shisheeye.
Dhanka kale hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in 1.6 billion US$, loo baahan yahay si loogu caawiyo bay yiraahdeen dad gaaraya 5.4 million oo qofood,kuwaas oo u baahan gargaar.
Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay doorka Qaramada Midoobay ee ku aadanaa gar-gaarkii bini’aadanimo ee ay u qabteen ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeyay in sanadka cusub ay sii balaariyaan shaqada ay ka wadaan dalka Soomaaliya.
Comments are closed