Madaxweyne Biixi iyo Ra’isal wasaaraha Itoobiya markii ay wada hadalkoodii dhamaysteen waxay warbaahinta u sheegeen inay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labadda dhinac, isu-socodka, ganacsiga iyo doorka horumarineed ee uu labada dhinac u yeelan doono jidka isku xidhidoona Berbera ilaa wajaale ee (Berbera corridor) oo hirgelintiisu ay qayb lahaadleh ka qaadan doonto isu socodka ganacsiga balaadhan ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
“Waxaannu ka wadahadalnay arrimo dhawr ah oo ku saabsan ammaanka, iskaashiga horumarinta dhaqaalaha ee dalalkayaga, arrimaha siyaasadda ee Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaana kuwa labadayada dal. Waxaannuna aad ugu mahadcelinaysaa soo dhawaynta Ra’iisal-wasaaraha iyo wadashaqayntiisa arrimaha naga dhexeeya.”ayuu yidhi Biixi oo ka hadlayey ujeedadda kulankooddii.
Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn oo isnka kulankaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Waxaannu ka wadahadalnay nabadgalyada, waayo amniga Itoobiya waa amniga Somaliland, sidoo kalena ammaanka Somaliland waa sidaa si la mid ah…..Waxaannu Somaliland ka wadashaqaynaynaa bilowga iyo horumarinta jidka Berbera Coridor (waddada isku xidhaysa Berbera iyo Itoobiya), annagoo la kaashanayna saaxiibada mashruuca Coridor la wada (Partners), si aannu uga faa’iidaysano mashruucan horumarineed qaab waxtar u leh dhinac walba.”
Safarkan ayaa noqonaya kii labaad ee madaxweyne Biixi uu dalka dibadiisa uga baxo, waxaanu safarkii ugu horeysay ku tagay wadanka Jabuuti.
Comments are closed