DAAWO Madaxweyne Cabdi oo Kulan Layeeshay Shacabka Magaalada Qabridahare

Qabridahare (estvlive) 18/01/2018

 

Kulan balaadhan oo uu kasoo qaybgaley madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, odayaal dhaqameedka deegaanka, odayaal dhaqamedka magaalada qabridahar, Dhalinyarta iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada magaalada qabridahar islamarkaana lagaga hadlayay xadhig kajarka iyo soo dhawaynta ardayda cusub ee jaamacada qabridahar ayaa ka qabsoomay magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey.

Hadaba kulankan ayaa waxaa ugu horayn furitaankiisii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in uu horumarka deegaanka gaar iyo kan magaalada qabridahar ku talaabsatay  uu yahay mid aan la dafari Karin oo ay mucaarad iyo muxaafidba qirayaan islamarkaana loo baahanyahay in halkaas lagasii wado. Wuxuuna Madaxwaynuhu intaa kudaray  in jaamacadan qabridahar ay tahay mid taariikhi ah oo isbadal horumarineed ku samayndoonta guud ahaan deegaanka gaar ahaan magaalada qabridahar, Iyadoo shacabka qabridahar ay jaamacadan u horseedi doonto waayo aragnimo iyo ilbaxnimo dhinaca isdhexgalka bulshada ah maadaama oo ay jaamacadu qaabilayso arday ka kooban dhamaan qoomiyadaha kala duwan ee dalka. Madaxwaynaha ayaana shacabka ku adkeeyay  oo kula dardaarmay inay si hagar la’aan ah usoo dhaweeyaan ulana dhaqmaan ardayda ay jaamacadu qaabishay maadaama oo ay ardaydan tirade badan ay magaalada kusoo kordhin doonaan horumar balaadhan oo kala duwan. Wuxuuna madaxwaynuhu xusay in ay radaydan markii ay imanayeen jaamacada ay la tashadeen waalidoontood islamarkaana ay sidaas ku yimaadeen, Loona baahan yahay in si wanaagsan loosoo dhaweeyo.

Dhankooda waxaa iyana kulankan ka hadalay odayaal dhaqameedka deegaanka, odayaal dhaqameedka mm qabridahar iyo dhalinyarta mm qabridahar ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin xadhig kajarka jaamacadan taariikhi ah ee qabridahar islamarkaa ay si hagar la’aan ah usoo  dhawayn doonaan ardayda ay jaamacadu qaabishay ee kakala yimaaday deegaanada dalka.

Ugu danbayn madaxwaynaha iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa u hoyday magaalada godey ee xarunta gobolka shabeele oo ay wakhti xaadirkan ku suganyihiin.

Comments are closed