Shirwanihii 11aad ee wadatashiga xukuumada DDSI iyo shacabka deegaanka oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumarmas’uuliyiin heer deegaan ah, Mas’uuliyiinta gobolada deegaanka, kuwa degmooyinka iyo in ka badan 3000 oo qof oo ergooyin ka kala socda dhamaanba gobolada iyo degmooyinka deegaanka ayaa si rasmi ah uga furmay degmada raaso ee gobolka afdheer .
Hadaba kulan waynahan 11aad ee wadatashiga xukuumada iyo shacabka deegaanka ayaa waxaa ugu horayn furay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in shirwaynahani yahay mid lagaga wada tashanayo ayaaha iyo horumarka deegaanka islamarkaana lasoo dhigo doono waxqabadk xukuumada ee 10kii sano ee ugu danbeeyay iyadoo la barar dhigayo sidii uu deegaanku ku sugnaa 10 ka hor. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in shirwaynahan lagaga hadli doono nidaamkii dhaqan is gumaysiga ah ee ka dhexjira qabiilada soomaaliyeed iyo sidii loo baabiin lahaa.
Ugu danbayn shirwaynahan 11aad ee xukuumada iyo shacabka deegaanka ayaa maalmahan kasii socondoona degmada raaso ee gobolka afdheer.
Comments are closed