Daraasaadkii Xog Aruurinta Natiijada Ardayda Deegaanka Ayaa Si Heer Sare Ah Loosoo Gabagabeeyay

Jigjiga (estvlive) 22/01/2018

Xafiiska waxbarashada DDSI oo dadaal dheer oogu jira sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada dugsiyada iyo ardayda deegaanka ayaa sameeya tababaro iyo daraasaadyo kor laagu qaadayo tayada waxbarshada ee deegaanka .

Hadaba agaasinka horumarinta dugsiyada  ee xafiiska waxbarashada DDSI ahna iskuduwaha Geedisocodyada xafiiska waxbarashada DDSI mudane Xuseen Maxamuud Daahir oo kawarbixiyay shaqada kooxdan daraasaadka xog aruurinta soo samaysay ayaa sheegay in mudo ka hor  uu xafiiska waxbarashada DDSI uu   koox xog aruurinta kor u qaadida natiijada ardayada wax ka barata dugsiyada DDSI u kala diray gobolada Faafan, Sitti, Jarar, Dollo iyo qoraxey islamarkaana ay shaqadan ay soo gabagabeeyeen  kamid tahay ka midha dhalinta qorshayaasha kor loogu qaadayo natiijada ardayda deegaanka. Wuxuuna agaasinku intaa ku daray in daraasaadkan loo isticmaali doono dhanka diyaarinta kor u qaadida natiijada ardayda fasalada 5aad ilaa 8aad iyo 9aad ilaa 12aad, Iyadoo horay loo dajiyay qorshaha ka midho dhalinta kor uqaadida natiijada ardayda fasalada 1aad ilaa 4aad.

Ugu danbayna agaasinka ayaa xusay in daraasaadkan looga gol leeyahay sidii kor loogu qaadilahaa natiijada imtixaanaadka heer qaran iyo heer deegaan islamarkaana daraasaadkan hirgalintiisa laga duulayay, Iyadoo  xulasho lagu sameeyay gobolada natiijada sare ka keenay imtixaanaadka heer qaran iyo heer deegaan iyo gobolada natiijadoodu hooseeysay si loo kala ogaado korna loogu qaado natiijooyinka imtixaanaadka heer qaran iyo heer deegaan ee guud ahaanba  ardayda wax kabarata dugsiyada dhexe iyo dugsiyada sare ee deegaanka .

Comments are closed