Culimada Soomaaliyeed oo baaq ka soo saaray Colaadda Deegaanka Tukaraq
Tukaraq (estvlive) 29/01/2018
Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa War-saxaafadeed ka saaray Colaadda Deegaanka Tukaraq kadib markii ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, Kulankaasi oo ay kaga hadleen Colaadda ka jirta deegaanka Tukaraq.
Waxa ay ugu baaqeen Culimada Maamulada Somaliland iyo Puntland in ay khilaafkooda ku xaliyaan si nabad ah, isla markaana ku deg-degin daadinta dhiigga muslimiinta Soomaaliyeed.
Sidoo kale Culimada ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan kara burbur iyo barakac colaadaas, iyadoo deegaanka ay ka jiraan duruufo adag.
Hoos ka Akhriso War-Saxaaafadeedka ay soo saareen Culimada
Comments are closed