Gobolka Erer Iyo Qiimayntii Rubuca 2aad Oo Kabilaabatay Magaalada Fiiq

Fiiq (estvlive) 31/01/2018

Waxaa xarunta gobolka erer ee magaalada fiiq ka furmay Shirkii qiimaynta waxqabadka rubuca 2aad ee sanad miisanyadeedka 2010 T.I kaasoo ay kasooqaybgaleen maamulka gobolka erer iyo waliba dhamaan maamulada degmooyinka hoosyimaada gobolkaasi Erer.

Hadaba, shirkan qiimaynta ah ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Gudoomiyaha Gobolka Erer Mudane Axmed Shuun Sugule oo sheegay in shirkani yahay shir lagu qiimaynayo waxqabadka 6dii bilood ee lasoo dhaafay ee dhinacyada horumarka, nabadgalyada iyo muumulka suuban kaasoo si wayn la isugu qiimayn doono hirgalinta qorshayaashii u yiilay xafiisyada horumarka. Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shirkan lagu eegi doono Hirgalinta iyio kamidho dhalinta qorshaha BBC ee Biyo, Baad, Beer, Cilmi iyo Caafimaad.

Iskusoowada duuboo, shirkan ayaa waxaa lafilayaa inuu sii socdo maalmaha soosocda kaasoo degmo kasta ay soojeedinayso warbixinteedii waxqabadka 6dii bilood ee u danbaysay ee dhamaan qorshayaashii u yiilay degmo kasta.

Comments are closed