Kuliyada Caafimaadka Jigjiga Oo Ay Ka Qalinjabiyeen Arday Dhan 216.

Jigjiga (estvlive) 06/02/2018

Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay oo ay ku qalin jabiyeen 218 arday oo ah  xirfadlayaasha fidinta adeega   caafimaadka  oo kor loo soo qaaday aqoontooda kuwaasi oo markii hore ahaa xirfadlayaasha caafimaadka 6 bilood ka ah lana soo gaadhsiiyay hada in ay qaadaan shahaadada diploma  caafimaadka. xafladaasi  ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Waxaana ka soo qaybgalay xafladan ay ku  qalinjabiyeen ardaydan fidinta xirfadlayaasha caafimaadku  masuuliyiinta kuliyada caafimaadka ee jigjiga, masuuliyiin ka socday xafiiska caafimaadka DDSI, masuuliyiin kale oo heer deegaan ah, ardayda qalinjabinaysay iyo marti sharaf kale.

Xafladan waxaa ugu horayntii ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo ka warbixiyay oo ugu horayntii hambalyo u diray xirfadlayaashan maanta qalin jabiyay wuxuuna si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada uu leeyahay barnaamijka fidinta adeega caafimaadka iyo  muhiimada uu  u leeyahay bulshada deegaanka. wasiirka ayaa ku booriyay xirfadlayaashan maanta qalin jabiyay in ay ka soo baxaan  xilwayn iska saaraan in ay si fuhan ugu adeegaan bulshada islamarkaana ay bixiyaan adeeg caafimaad oo taya leh.

Dhankiisa waxaa ka hadlay xafladan qalinjabinta maareeye ku xigeenka kuliyada caafimaadka jigjiga mudane Cabdibari  Macalin Maxamed oo hambalyo ka dib ka  warbixiyay taariikhada iyo soonyaalka kuliyada islamarkaana sheegay in ay  tahay kuliyada xooga saarta soo saarida xirfadlayaal ku gaashaaman culuunta caafimaadka kuwaasi oo kaalin mug leh ka qaata taaba galinta siyaasada caafimaadka maareeya ku xigeenka ayaa sharax dheerka bixiyay ahmiyada xukuumada DDSI siisay awoodsiinta kuliyada caafimaadka ee jigjiga taasi oo la gaadhsiiyay ayuu yidhi maareeye ku xigeenku in la gaadhsiiyay in ay bixiso heerka shahaadada degree sidoo kalena daboosho baahida bulshada deegaanka ee dhinaca adeegyada caafimaadka iyo in ay xal waara u hesho kuliyada daraasaadyada dhinacyada adeegyada caafimaadka. maareeye ku xigeenka oo siiwata hadalkiis in ay kuliyada dabooshay baahidii ay ardada deegaanku culuunta caafimaadka u doonan jireen jaamacadaha kale ee dalka. wuxuuna maareeye ku xigeenku ku booriyay ardaydan maanta qalin jabisay in ay ka midho dhaliyaan culuuntii caafimaadka ee la baray ardaydan islamarkaana noqdaan kuwa gaadhsiiya bulshada adeeg caafimaad oo tayo iyo xushmad leh.

Ugu dambayntii waxaa abaalmarino kala duwan la gudoonsiiyay ardaydii gashay kaalmaha  hore ee  dhinaca dhibcaha waxbarashada.

Comments are closed