Jaaliyadaha DDSI ee wadamada America, south Africa iyo india ayaa si heer sare ah uxusay sanadguurada 20tan jirsatay ee XDSHSI ee lagu xusay xarunta deegaanka ee jigjiga oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta jaaliyadaha, xubnaha jaaliyadaha iyo taageerayaasha XDSHSI.
Hadaba munaasabada xuska sanadguurada 20tan jirsatay ee XDSHSI Ee Jaaliyada America ee ohio columbus oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta jaaliyada, xubnaha jaaliyada iyo taageerayaasha XDSHSI ee ohio columbus ayaa waxaa khadka telefonka kagala qaybgalay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn jaaliyada uga mahadceliyay sida quruxda badan ee ay usoo agaasimeen munaasabadan lagu taageerayay xuska sanadguurada 20tan jirsatay ee XDSHSI islamarkaana uu aad oogu faraxsanyahay inuu kala qaybgalo munaasabadan, madaxwaynaha ayaana intaa ku daray in horumarka nabadgalyada 10kii sano ee danbeeyay ka hanaqaaday deegaanka ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin qurb-joogta DDSI islamarkaana looga baahanyahay inay dadaalkooda sii xoojiyaan garab istaagaana taageerida ay XDSHSI uhayaan. Iyadoo mas’uuliyiinta jaaliyada ohio columbus ay halkaas kasoo jeediyeen inay taageerida iyo dadaalka ay u hayaan XDSHSI ay sii adkayn doonaan kana qaybqaadan doonaan horumarka dhinacyo badanaha ah ee ka socda deegaanka.
Dhankooda waxaa iyana munaasabadan si meeqaam sare leh uga qayqaatay beesha gabooye oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin horumarka iyo nabadgalyada uu XDSHSI gaadhsiiyay deegaanka islamarkaana ay sii xoojinayaan garab istaagayaana taageerida XDSHSI.
Sidoo kale waxaa iyana munaasabad heer sare ah oo lagu taageerayay xuska sanadguurada 20tan jirsatay ee XDSHSI soo agaasimay jaaliyada DDSI ee wadanka south Africa waxaana khadka telefonka kagala qaybqaatay lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka cabashooyinka ahna wasiirka xafiiska qurba-joogta DDSI mudane Cabdirisaaq saxane oo ugu umahad celiyay dhamaan kasoo qaybgalyaasha munaasabadan quruxda badan ee lagu maamuusayo xuska sanadguuda 20tan jirsatay ee XDSHSI isagoo intaa ku daray inuu ku faraxsanyahay inuu kalaqaybqaato munaasabadan, Wuxuuna wasiirku si kooban ooga warbixiyay waxqabadkii iyo guulihii waxka oolka ahaa ee uu xibigu qabtay 10kii sano ee udanbeeyay, wasiirka ayaana sheegay in guulahaas wax ka oolka ah ee la gaadhay mudadaas 10ka sano ah ay kaalin libaax leh ku lahaayeen qurba-joogta DDSI ee ku sugan daafaha caalamka islamarkaana loo baahnayahay inay hlakaas kasii wadaan dadaalka iyo taageerida ay marwalba la garabjoogaan XDSHSI iyo xukuumada DDSI. Waxaa iyana halkaas ka hadlay mas’uuliyiinta jaaliyada DDSI ee south Africa oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin horumarka dhinacyo badanaha ah ee ka hanaqaaday deegaanka 10kii sano ee udanbeeyay islamarkaana ay taageerida iyo dadaalka ay u hayaan XDSHSI ay sii adkayn doonaan kana qaybqaadan doonaan horumarka dhinacyo badanaha ah ee ka socda deegaanka.
Ugu danbayn waxaa iyana munaasbad heer sare ah oo lagu taageerayay xuska sanadguurada 20tan jirsatay ee XDSHSI soo agaasimay jaaliyada DDSI ee wadanka india oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta jaaliayada, xubnaha jaaliyada iyo taageerayaasha XDSHSI ee dalka india, waxayna mas’uuliyiinta jaaliyadu halkaas kasoojeediyaan waxqabadkii XDSHSI ee 10kii sano ee danbeeyay waxayna xuseen inay sii xoojindoonaan kaalinta kaga aadan.
Comments are closed