Mareykanka (estvlive) 17/03/2018
Andrew McCabe oo ahaa Agaasime kuxigeenka Hay’ada danbi baarista Maraykanka ee FBI ayaa xilka laga casilay labo maalin kahor markii uu shaqada ka fariisan lahaa.
Casilaada Andrew McCabe ayaa la sheegay inay la xariirto xog sir ah oo uu si hoose ugu gudbiyey Warbaahinta Maraykanka sanadkii lasoo dhaafay markii shaqada laga eryey ninkii ka sareeyey ee Agaasimihii hore James Comey.
Madaxa Wasaarada Cadaalada Maraykanka Jeff Sessions ayaa sheegay in Agaasime kuxigeenka ku xad-gudbay xilka uu hayey.
Mr.McCabe oo isaga ka jawaabay casilaadiisa ayaa sheegay in si gaar ah loo bartimaamsaday maadaama uu sir badan ama xog ka hayo qaabkii Madaxweyne Donald Trump uu shaqada uga eryey Agaasimihii hore ee FBI James Comey.
Trump ayaa isagu in muddo ah cadaadis saarayey Agaasime kuxigeenka oo uu horey ugu baaqay in shaqada laga eryo, wuxuuna maanta bartiisa Twitter si weyn ugu dabaaldegay in shaqada laga eryey Andrew McCabe oo uu ku tilmaamay nin udub-dhexaad u ahaa Musuq maasuqa ka dhex jira hay’ada FBI.
Sarkaalka khaaska ah ee loo saaray baaritaanka kiiska Ruushka iyo farogelinta uu ku hayo Maraykanka Mr. Robert Mueller ayaa todobaadkan bilaabay baaritaanka shirkada uu leeyahay Trump oo baarayo inay xiriir laleedahay dowlada Ruushka.
Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa horey ugu sheegay baaritaanka socda inuu yahay mid la dhoob dhoobay oo aan sal iyo raad lahayn, isagoona ku eedeeyey xubno ka tirsan FBI-da inay dagaal kula jiraan xafiiskiisa, wuxuu sidoo kale ku eedeeyey Agaasime kuxigeenka FBI-da Andrew McCabe inuu xiriir hoose lalahaa murashaxadii doorashada kula tartantay ee Hillary Clinton.
Comments are closed