Waxaa xarunta caafimaadka ee degmada qalaafo lagu soo gabagabeeyay adeegii bilaashka ahaa ee daawaynta iyo qaliinka indhaha. kaasoo mudo 7maalmood ah kasocday degmadaasi islamarkaana ay kafaa’iidaysteen dad tiradoodu kabadan tahay 960 qof.iyadoo ay 160 qof oo kamid ahi aysan indhaha waxba ka arkayinin kadib markii qaliin lagu sameeyayna ay aragoodii dib uheleen.
Hadaba, bulshadii kafaa’iidaystay adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in maanta marnaba aysan dareenkooda cabirikarin islamarkaasna aysan farxadooda qiyaasi Karin waxayna xuseen in dhaayaha araga uu garan karo oo kaliya qof indho la’a. waxayna xuseen in si argaooda uhelaan ay kugadan lahaayeen aduunyo waxay haystaanba. Waxayna qaarkamid ah bulshada aragooda dib uhelay tilmaameen in inkabadan 17sano aysan indhaha waxba ka arag islamarkaana ilaahay ay ugu mahadinayaan duco balaadhana ay udirayaan xukuumada DDSI.
Sidookale, midkamid ah dhakhaatiirta fulinyasay qaliinka ayaa sheegay in dadka labaadhay sida ay kal ahaayeen loo kala daaweeyay, kuwiiqaliinka ahaa qaliin lagu sameeyay, kuwii dawooyin ubaahnaana dawooyin lasiiyay, meesha kuwii ukuyaalo ubaahnaana lasiiyay ukuyaalihii.
Iskusoowada duuboo, bulshadan kafaaiidaysatay adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha oo tiradoodu dhantahay 960 xubnood ayaa 160 qof argoodii dib uheshay meesha 500 oo qof kamid ahna laga daaweeyay xanuuno ay kaqabeen indhaha islamarkaana lasiiyay daawooyin. sidookala 131 qof oo kamid ahna dadkaasi lasiiyay ukuyaaliha indhaha.
Comments are closed