Muqdisho (estvlive) 24/03/2018
Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Farataag oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Horseed Media ayaa sheegay in Xukuumadda ay ku guul dareysatay in ay wax ka qabato dhibaatada dowladda Kenya ku heyso shacabka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in dowladda Kenya ay fara gelin ku heyso Beledxaawo iyo dhul boob, isla markaana ay gudaha u soo galeen degmada labadii maalmood ee la soo dhaafay, iyagoo godod ka qoday.
Comments are closed