Magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar ayaa waxaa habeenimadii xalayto kusoo rogmaday biyo tira badan kuwaas oo magaalada kaga yimi togag kala duwan oo ku furan , biyahaan ayaa gebi ahaanba joojiyay isu socodkii gaadiidka u kala gooshi jiray magaalada boosaasoo iyo gobolada kale ee dalka.
Ma jirin khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay biyahaan, balse waxa ay gaysteen khasaare hantiyeed waxayna galeen goobo ganacsi oo kala duwan sidoo kale waxa uu saamayn wayn ku yeeshay roobku ganacsatadii yaryarayd ee magaalada, waxaa iyagana ay biyuhu wax gaarsiiyeen 10naan gawaari ah oo lagu parking gareeyay goobo kala duwan kuwaas oo ugu danbayn ay biyuhu ugu yimaadeen, sidoo kale warar ay Horseed Media helayso ayaa sheegaya in qaar ka mid xaafadaha magaalada ay galeen biyahaan iyagoo saamayn ku yeeshay qoysas badan oo danyar ahaa.
Daadka xalay magaalada kusoo rogmaday ayaa ahaa mid aad u tira badan biyaha ayaana is haystay in ta u dhaxaysa xarunta gobolka karkaar ilaa iyo masaajidka mawlaca, waxa iyaguna gebi ahaanaba qarsoomaay suuqa way nee magaalada iyo beerihii ku dhexyaalay, taasina waxa ay muujinaysaan sida ay biyahaan u tira badnaayeen iyagoo soconayay in ka badan 7 saacadood.
Magaalada Qardho oo ah xarunta gobolka karkaar ee Puntland ayaa dhacda dooxo ay ku furan yihiin togag biyo mareen ah oo aad u waaweyn, sanadkii 2012 ayaa sidaan oo kale waxaa magaalada kusoo rogmaday daad aad u tira badan kaasi oo gaystay khasaare xoog leh, marka laga yimaado qorshe ay sheegeen xubno ka tirsan dawlada hoose in ay wadaan sanadkii 2015 kaasi oo ah in biyo xireeno ay ka samaynayaaan togaga magaalada ku furan weli ma jirto wax talaabo ah oo la qaaday.
Sidoo kale dadka darsa arrimahaaan ayaa tilmaamaya in mushkilada ugu wayn ee magaalada ka jirta ay tahay in laamiyada la hirgeliyo aan loo samayn hal buuno oo biyuhu ka hoos gudbaan taas bedelkeedana ay biyuhu caadi u qaadaan wadooyinka magaalada, dawlada hoose weli kama hadlin xaalada ay hada magaaladu ku sugan tahay khasaaraha ka dhashay biyaha ee ay soo aruuriyeen, iyo qorshayaa ugu degan mushkilaadaan soo laablaabata xili roobaad kasta.
Comments are closed