Madaxweyne Cabdi oo Kulan Layeeshay Mas’uuliyiinta Gobolada, MM Iyo Degmooyinka Deegaanka Jigjiga

Jigjiga (estvlive) 23/05/2018

Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee kaali ka furmay kulan balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta 11ka gobol, 6da maamul magaalo iyo 93da degmo ee uu ka koobanyahay deegaanku.

Hadaba, kulankan balaadhan ee ay kasoo qabygaleen mas’uuliyyinta gobolada, maamul magaalooyinka iyo degmooyinka deegaanka ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay inuu kulankan yahay mid lagyu dardargalinayo shaqooyinka degmooyinka iyo MM deegaanka maadaama sanadii 2010TI gabagabo marayo. Madaxwaynaha ayaa intaa ku daray in shaqooyinka loogu talagalay in la dhameeyo sanadan 2010 TI sidii loogu talagalay loo dhameeyo iyo hadii ay jiraan mashaariico aan la dhamaynin sababta loo dhamayn waayay.

Ugudanbayna, waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah mas’uuliyiinta oo sheegay inay mashaariicihii loogu talagalay in la dhameeyo sanadan 2010TI inta badan la dhamaystiray kuwana ay gabogabo marayaan islamarkaana muda gaaban guda heed la dhamaystiri doona.

Comments are closed