Mareykanka (estvlive) 01/06/2018
Maraykanka ayaa ku goodiyey inuu awoodiisa VETO ku horjoogsan doono Qaar lagu taageerayo Falastiin oo uu Caawa Golaha Amaanka codka u qaadayo.
Qaraarkan oo ay soo diyaarisay dowlada Kuwait oo metaleysa dalalka Carabta ayaa loogu talo galay in lagu difaaco xaquuqda shacabka reer Falastiin ee ku dhaqan Daanta Galbeed (West Bank) iyo Marinka Gaza.
Labo todobaad kahor ayaa Qaraarkan loo gudbiyey Golaha Amaanka, waxaana markii hore laga codsaday in Qaramada Midoobay guddi u saarto baaritaanka xasuuqii ka dhacay Gaza, waxaana xiligaasi horjoogsaday Maraykanka.
Qoraalka cusub ee caawa Golaha la hordhigayo ayaa ah mid la khafiifiyey oo kaliya lagu soo koobay in Qaramada Midoobay ay diyaariso nidaam cusub oo lagu difaacayo amaanka dadka rayidka ee reer Falastiin.
Balse intaanba la gaarin kulanka caawa ayey saaka oo Jimce ah Safiirka Maraykanka UN-ka u fadhiya Nikki Haley qoraal ay shaacisay ku sheegtay inay markale awoodooda VETO ku diidi doonaan ansixinta qaraarkan.
Ergeyga gaarka ah ee UN-ka u qaabilsan Bariga Dhexe, Nickolay Mladenov ayaa qaylo-dhaan uu soo saaray ku sheegay in xaalada Gaza ay tahay mid dhawaan isu-bedali doonta dagaal weyn oo dhulkaasi ka qarxa, hadii aan hada wax laga qaban.
Ciidamada Israel ayaa tan iyo dhamaadkii Maarso dilay 122 Falastiiniyiin ah oo banaanbaxyo ka dhigayey Gaza. Salaasadii iyo Arbacadii lasoo dhaafay ayaa waxaa halkaasi dib uga bilowday duqeynta ay is dhaafsanayaan kooxaha reer Falastiin (Xamaas & Islamic Jihad) iyo Ciidamada Israel oo 65 duqeyn la beegsaday Gaza.
Nikki Haley ayaa ku dooday in qoraalkan u hal dhinac u jeen jeero isla markaana ka horjoogsanayo Israel inay is difaacdo, waxayna sheegtay in eeda dhibaatada Gaza ay ka mas’uul tahay kooxda Xamaas. Halkaas kuma ekaan waxay sidoo kale digniin u dirtay dalalka EU-da ee xubnaha ka ah golaha amaanka inay wax cod ah siiyaan qaaraarkan.
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la isku mari la’a yahay maadaama Maraykanka uu horjoogsaday tilaabo walba oo Golaha uu doonayey inuu ka qaado xaalada Falastiin, waana markii labaad oo uu Maraykanka bilihii lasoo dhaafay awoodiisa VETO ku horjoogsado cambaareyn ku socota Israel.
Bishii December ayuu Maraykanka sidan oo kale codkiisa VETO ku carqaladeeyey qaraar cambaareenayey go’aankii Donald Trump ku sheegay in magaalada Qudus ay tahay caasimada Israel.
Comments are closed