Raysalwasaarihii dalka Spain oo xilka laga Xayuubiyey

Spain (estvlive0 01/06/2018

Raysalwasaarihii dalka Spain Mariano Rajoy ayaa maanta oo Jimce ah xilka laga xayuubiyey kadib markii looga guuleystay codka kalsoonida uu Baarlamaanka dalkaasi u qaaday.

Mariano Rajoy ayaa bilihii lasoo dhaafay la tacaalayey xiisado siyaasadeed oo ay kamid yihiin eedeynmo musuq maasuq oo xukuumadiisa loo soo jeediyey iyo waliba kacdoonkii gooni-u-goosadka ah ee ka socday gobalka Catalonia oo uu gacan adag ku qabtay.

Mooshinkii xil ka qaadista ee saaka oo Jimce ah loo qaaday ayaa waxaa codkooda ku taageeray 180 xildhibaan, halka ay diideen 169, waxaana ka aamusay 1 xildhibaan oo kaliya. Kongareeska dalkaasi ayaa ka kooban 350 xildhibaan oo ka kala tirsan xisbiyo kala duwan.

Raysalwasaaraha cusub ayaa loo doortay Pedro Sanchez oo isagu sheegay inuu xilka sii heyn doono illaa laga gaarayo doorashada Baarlamaanka ee 2020, balse waxaa shaki laga muujinayaa inuu illaa intaa xilka siiheyn doono maadaama xisbi xaakimka uusan hada awood badan ku lahayn Baarlamaanka.

Dalka Spain ayaa noqonaya wadanka labaad ee kamid ah EU-da oo xiisad siyaasadeed lugaha la gala, dalka Talyaaniga ayey sidan oo kale ay weli ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyadoo aan weli lagu guuleysan in lasoo dhiso xukuumada tan iyo markii ay dhacday doorashadii guud, 4tii Maarso ee sanadkan 2018.

Comments are closed