Galglala (estvlive) 02/06/2018
Habeenimadii xalay ayaa koox ka tirsan ururka al-Shabaab ee ku sugan buuraha Cal Madow ee deegaanada ku teedsan Galgla ay weerar ku soo qaadeen fariisnka ciidamada Puntland ee deegaanka Galgala gaar ahaan kuwa fadhigoodu yahay togga loo yaqaan Balli Khadar oo dhaca waddada loo maro Galgala, kaas oo aan wax badan ka fogeyn tuulada Karin ee uu mareo Laamiga Boosaaso ku dhamaada. Sarkaal ka tirsan ciidanka PMPF ee Puntland ayaa Horseed u sheegay in al-Shabaab ay laba jiho ka soo weereen saldhigga ka hor salaadii Cishe, wuxuu sheegay in ay iska difaaceen oo ay u dhigeen cashar.
Maamulka Puntland weli si rasmi ah ugama hadlin khasaaraha ka dhashey weerarkaas. Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey in ay dileen 7 askeri oo Puntland ah ayna qabsadeen gawaari Tikniko ah. Dad ku dhaw deegaanka ayaa u xaqiijiyey Horseed in Saldhigga ay saakey ku sugan yihiin ciidanka Puntland oo aysan u suurta geln in ay qabsadaan kooxdii soo weerartey.
Dagaalka Buuraha Galgala ee mar kale al-Shabaab soo qaadeen ayaa ku soo beegmaya iyada oo Puntland colaad kale uga furan tahay gobolka Sool halkaas oo ciidamada Somailand iyo kuwa Puntland ay dagaalo isaga hor yimaadeen. Puntland ayaa marar badan ku eedeysey Somaliland in ay gabbaad iyo sahayba siiso Malayshiyaadka al-Shabaab ee ka dagaalama Cal Madow muddo 9 sano ah, Puntland waxay ku eedeysey Somaliland marar badan in ay kooxdaan u fudueyso weerarada ay ka geystaan gudaha Puntland iyada oo gabbaad iyo hoy siisa caruurtooda iyo xaasaskooda, Somaliland waaa beeisey eedeyntaas. Waxaa dad badan is weydiinayaan waxa colaada Tukaraq ku soo beegay midda xalay ka dhacdey buuraha Galgala.
Comments are closed