Xildhibaan ka tirsan Maamulka HirShabeelle oo ka hadlay xaaladda gobolka Hiiraan

Hiiraan (estvlive) 04/06/2018

Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe oo dhammaantooda ka wada tirsan deegaanada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeele ayaa waxaa weli ka taagan dhibaatooyinkii ay reebeen fatahaada webiga Shabeele, Inkastoo ay haatan la sheegay in ay soo yeraa roonaanayso xaalada Gobolka Hiiraan hadana waxaa weli dhibaato xoogan ay ka jirta deegaano ka tirsan Sh.dhexe.

Xidhibaan Nuur Xaashi warsame oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeele oo wareysi siiyey xafiis wareedka Horseed Media ee Muqdisho ayaa waxaa uu kaga hadlay xaalada dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiga Shabeele.

Xidhibaan Nuur ayaa xusay in ay jiraan dadaalo ballaaran oo la sameeyey balse weli ay jiraan dhibaatooyin ballaaran.

Ugu dambeyn waxaa uu ka hadlay lacagtii ay soo gaarsiisay dowlada Soomaaliya iyo qaabkii loo gaarsiiyey dadka dhibaataysan.

Comments are closed