Golaha Amaanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay shaqsiyaadka ka shaqeysta dadka Tahriibta loo geeyo dalka Liibiya kuwaasi oo ay Soomaalidu u taqaan “Magafe”, lixda hogaamiye oo ugu sareeyey oo qaarkood maalqabeeno ah ayaa cunaqabateyntan la saaray.
Dowlada Holland oo kamid ah dalalka xubnaha sanadkan ka ah Golaha Amaanka oo qaraarkan soo diyaarisay kana soo shaqeenaysay bilihii lasoo dhaafay ayaa sheegtay in tilaabadan ay bilow u tahay la dagaalanka kooxaha ku sugan Liibiya ee ka shaqeysta Tahriibta oo si xun ulla dhaqma dadka Afrikaanka ah ee halkaasi lagu heysto.
Xubnaha cunaqabteynta la saaray ayaa qaarkood malaayiin lacag ah ka sameeyey madax-furashada ay ka qaataan dadka Tahriibaya, waxaana lixdaasi Magafe kamid ahaa Kornely ka tirsan ciidamada Badda Liibiya oo la sheegay inuu hogaamin jiray koox afduub ku heystay dad Tahriibayaal ah.
Abdulrahman Al-Milad
Sarkaalkan waa Taliyaha ciidamada Badda Liibiya oo ay maalgeliyo Midowga Yurub oo xaruntoodu tahay Zawiya.
Taliyahan ayaa lagu eedeeyey inuu rasaas ku dhuftay qaar kamid ah doonyaha Tahriibta, isla markaana xir xiray Tahriibayaal badan oo uu ku xiray xabsiga loo yaqaan Al-Nasr halkaasi oo dadka looga qaado lacago badan isla markaana jirdil xun loogu geysto.
Ahmed Al-Dabbashi [Magafe]
Hogaamiye kooxeedkan ayaa ah kan ugu weyn ee ka ganacsada Tahriibayaasha Liibiya lagu heysto, wuxuuna hogaamiye u yahay maleeshiyaadka loo yaqaan Anas al-Dabbashi oo iyaguna xaruntoodu tahay magaalada Zawiya.
Hogaamiyahan ayaa ah ninka dusha ka xukuma xarumaha la keeno Tahriibayaasha marka lasoo geliyo dalka Liibiya, wuxuuna sidoo kale maamulaa qaar kamid ah kooxaha Doonyaha saara dadka.
Ninkan ayaa ah midka leh guryaha iyo xarumaha lagu hayo Tahriibayaasha oo jirdilka loogu geysto.
Kooxdiisa ayaa sidoo kale la sheegay inay xiriir toos ah la leeyihiin kooxaha Argagaxisada sida Daacish oo xubno kamid ah ay ku jiraan maleeshiyaadkiisa. Hogaamiyahan ayaa milyaneer ka noqday ganacsiga Tahriibta oo Soomaali badan lacagta looga qaaday.
Mohamed Kachlaf
Ninkan ayaa isaguna ah Milyaneer ka shaqeysta Tahriibta gaar ahaan haweenka ka yimaada Afrika iyo waliba Marokko u iib geeya goobo kala duwan.
Hogaamiyahan ayaa sidoo kale Taliye u ah kooxda lagu magacaabo Nasr Brigade oo fadhigoodu yahay Zawiya.
Ermias Ghermay
Ninkan wuxuu u dhashay dalka Eritrea, wuxuuna la shaqeysan jiray kooxaha doonyaha dadka soo saara waxaana isaga baadi goobaya Booliiska dalka Talyaaniga oo ku eedeeyey inuu ku lug lahaa doonidii 3dii Oktoober 2013 ku degtay nawaaxiga jasiirada Lampedusa oo ay ku dhinteen 266 qof.
Wuxuu ninkan qeyb ka yahay kooxaha Tahriibayaasha kasoo qaada Bariga Afrika iyo Itoobiya, Sudan illaa iyo Liibiya.
Muscab Abu Qarin
Magafahan ayaa la sheegay in sanadkii 2015 oo kaliya uu tahriibiyey dad gaaraya 45.000 qof, wuxuuna yahay nin xiriiro badan la leh kooxaha kala duwan ee ku sugan Liibiya, wuxuuna sidoo kale ku shaqeystaa ninka u dhashay Eritrea ee Ghermay oo u qaabilsanaa tahriibayaasha bariga Afrika laga keeno.
Eedeysanahan ayaa lagu soo oogay inuu ku lug lahaa doonidii ku degtay badda 18kii April 2015 oo ay ku dhinteen 800 qof. Musiibadaasi oo ahayd shilkii ay ku dhinteen dadkii ugu badnaa.
Waxaa isagana lagu eedeeyey jirdilka loo geysto dadka lagu hayo xarumaha uu leeyahay.
Fitiwi Abdelrisaq
Wuxuu u dhashay dalka Eritrea, wuxuuna kamid yahay ragga dadka kasoo tahriibaya Eritrea iyo Itoobiya ee lagu dhibaateeyo dalka Liibiya.
Ninkan ayaa kamid ah hogaamiyayaasha lacagta badan ka sameeyey Tahriibayaasha oo in badan laga keeno dalka Eritrea, waxaana lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa labo dooni oo ku degay badda.
Waa Markii ugu horeysay taariikhda oo cunaqabateyn la saaro hogaamiyayaasha kooxaha ka shaqeysta ganacsiga Tahriibta Liibiya.
Comments are closed