Shirkii Urur Goboleedka IGAD oo la soo geba-gabeeyey

Addisababa (estvlive) 22/06/2018

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaa lagu soo geba-gabeeyey shirkii Urur Goboleedka IGAD ee ku saabsanaa xaaladaha Koofurta Sudan.

Shirka oo ahaa mid aan caadi ahayn ayaa waxaa dib loogu soo nooleynayey wada hadalada Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir Mayardit iyo Madaxweyne kuxigeenkiisa hore Mudane Riek Machar

Sidoo kale shirka ayaa  ahaa kii 32-aad ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD, iyadoo intiisa badan lagu dhex-dhexaadinayey dhinacyada isku haya Koofurta Sudan.

Madaxweynaha  jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shirka kadib kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa Koofurta Sudan Salva Kiir Mayardit ayaa ku bogaadiyay labada dhinac sida ay u aqbaleen in ay soo fariistaan miiska wada hadallada.

Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay walaalaha South Sudan sidii ay uga bixi lahaayeen kala qeyb sanaanta iyo dagaalada, isagoona kula dar-daarmay in ay labada dhinac fursadan uga faa’iideeystaan sidii dalkooda uu uga bixi lahaa dagaallada sokeeye.

… Waxaan kula dardaarmayaa in aad ka fa’iideysataan khibradda aan ka barannay Soomaaliya oo dowlad la’aantii iyo colaadihii aan uga gudubnay isu tanaasul, wada hadal iyo is qancin. Waxaan rajaynayaa inaad idinkana jidkaas oo kale qaadaan oo aad dib ugu soo celisaan South Sudan xasillooni ayuu yiri Madaxweyne Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.

Dhanke kale, Madaxweyneyaasha Suudaan iyo Kenya Cumar Xasan Al Bashiir iyo Uhuru Kenyatta ayaa loo xil saaray in ay sii dar-dargeliyaan wada hadalada, waxaana dhammaadka bishan kulan kale oo ku wada hadlaan dhinacyadan lagu qabanayaa magaalada Khartuum ee dalka Sudan.

Madaxweyne Kiir ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka muuqda ee ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku talaabsatay iyo xasiloonida siyaasadeed ee haatan ka jirta Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay dowladdiisu xoojineyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.

Comments are closed