Muqdisho (estvlive) 23/06/2018
Madaxweyna jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambareeyey qaraxii ka dhacay magaalada Adis ababa kaaso oo ay wax yeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo isugu soo baxay in ay taageeraan raisal wasaaraha itoobiya Abiy Ahmed.
” Waxaan si adag u cambaraynayaa qaraxii maanta lagula beegsaday dadkii kasoo qayb galay isu soo bixii lagu taageerayay raisal wasaaraha itoobiya Dr Abiy Ahmed, horumarka Itoobiya iyo midka gobolka ma aha mid lagu hor istaagi karo argagixin iyo fowdo ” ayuu ku yirimadaxweye farmaajo war qoraal ah oo uu ku daabacay bartiisa twitterka.
Qaraxa oo ka dhacay fagaaraha Meskel Square ayaa sababay dhimashada in ka badan 10 qof iyo dhaawc aad u tira badan welina ma jirto ci sheegatay masuuliyada qaraxa, raisal wasaaraha itoobiya Abi Ahmed waxa uu sheegin uu ahaan isku day fashil oo ay ka danbeeyeen dadka neceb midawga iyo wanaaga itoobiya.
Comments are closed