Ismaaciil Cumar geele madaxweynaha dalka jamhuuriyada jabuuti ayaa cambaareeyay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Adisbaba ee xarunta dalka itoobiya, Madaxweyne Geele waxa uu sheegay in dadka weerarkaas gaystay ay ahaayeen kuwa kasoo horjeedaisbedelada horumarineed ee uu midanimada qarankiisa ku xoojinayo raysal wasaare Abiy Ahmed.
Sidoo kale Madaxweyne Geele waxa uu tilmaamey in itoobiya iyo jabuuti ay yihiin dad walaalo ah oo ay ka dhaxayso xiriir dhaqaale iyo mid istiraajiyadeed waxa uuna tilmaamey in ay ka goantahay ilaalinta xasiloonida dalweynaha itoobiyaha.
Ismaaciil Cumar madaxweynaha dalka jabuuti ayaa ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee cambaareeyay qaraxii maanta ka dhacay fagaaraha Meskel kaasi oo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo daawacba.
Comments are closed