Saraakiil ka tirsan dowladda Iiraan ayaa Raadiyaha qaranka u sheegay in diyaaraaddii dagaalka ay soo bandhigeen bishii Agosto lagu sameeyay gudaha Iiraan.
Si kastaba, khuburrada militariga waxay rumeysan yihiin in diyaaradda ay Iiraan sameysatay ay lamid tahay naqshadda diyaaradda dagaalka ee Mareykanka ee F-5.
Iiraan ayaa la daala dhaceysaa inay sii haysato diyaaradaha muddada dheer ay isticmaaleysay ee lagu soo sameeyay Ruushka iyo Mareykanka.
Marka ay timaado howlgalka ka socda Suuriya,Iiraan waxay ku tiirsan tahay tageerada ay siiyaan diyaaradaha dagaalka ee Ruushka.
Iiraan waxaa saaraan cadaadis caalami ah, Mareykanka ayaa cunaqabatayn hor leh kusoo roggaya Iiraan kaddib markii saddex sanno ka hor ay quwadaha caalamka ka qaadeen cunaqabataynta.
Comments are closed