Gaalkacyo (NogobNews) 05/04/2020
Sarkaal katirsan maamulka Puntland ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo gaarigiisa loogu xiray xilli uu ku sugnaa waqooyiga magaaladda Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Sarkaalka la beegsaday oo katirsanaa wasaaradda maaliyadda Puntland, ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Gube, waxaana soo gaaray dhaawac culus iyadoo loola cararay isbitaalka guud ee gobolka Mudug.
Waa weerarkii labaad muddo todobaad gudihiisa ah loo geysto masuul Puntland. 29 bishii hore ayay ahayd markii qof isisoo miidaamiyay uu isku qarxiyay guddoomiyihi gobolka Nugaal Cabdisalaan Xirsi Gujir, falkaas oo xili habeen ah ka dhacay bartamaha Garowe.
Weerarada nuucaan ah waxaa masuuliyaddooda sheegta ururka Alshabab oo horey qaraxyo nuucaan ah ugu dilay masuuliyiin badan oo katirsan Puntland haba ugu badnaadeen kuwa gobolka Mudug.
Madaxweyne Deni, ayaa isku isbedel ku sameeyay taliyayaasha booliiska qaar kamid ah gobolada Puntland, lamase oga waxay soo kordhindoonto
Comments are closed