Hogaan Xuseen oo Heshiisiyay Beelo is Khilaafsanaa (Warbixn)

Qoraxey (NogobNews) 26/04/2020

Iyadoo nabadgalyada degaanku uu yahay mid xasiloon oo dagan marka loo eego degaanada kale ee dalka, hadana intii uu isbadalku ka dhacay degaanka ee la hirgaliyay saraynta sharciga, nidaamka dimuraadiyadeed, xoriyad hadalka, iyo ilaalinta xuquuqda shacabka, ayaa waxaa ka cusboonaadan goobo cayiman oo ka mida degaanka is qabqabsi qabiil, oo inta badan salka ku haya degaamayn cusub, oo dhinaca dhulka ah, iyadoo oo Allah inagu manaystay dhul baaxad wayn oo ah inaan nahay degaanka 2aad ee ugu dhulka balaadhan dalka Ethiopia.

Hadaba hogaanka nabadgalyada ee DDS Dr Xuseen Xaashi Qaasim oo socdaal nabadayn ah ku marayay goobaha ay khilaafku kajiraan deegaanka, ayaa ku guulaystay inuu heshiisiiyo beelo khilaaf ka dhex taagnaa.

Hogaanku wuxuu ugu yaraan goob joog ka ahaa ugu yaraan laba heshiis oo beelihii is khilaafsanaa qalinka ku duugeen.

Goobahaa nabada lagu soo dabaalay ayaa waxay kala yihiin Neefkuceliye, iyo aaga Yucub iyo Kudunbuur oo uu ka jiray khilaaf muddo badan soo jiitamayay oo ka dhexeeyay beelo walaalo ah oo wada daga.

Hogaanka ayaa haatana waxaa uu salka u dhigay xaaladii kacsanayd ee tuulada Haarwayn oo ay isku hayeen labo beelood oo walaalo ah oo isqaqabsi dhuleed awgeed ay ka dhacday dhibaato gaysatay naf iyo maalba, heshiiskani oo la iskugu wareejiyay geel ay tiradiisu dhantahay isugayn 370 geel ah oo lookala qaatay magta 4 wiil oo ku geeriyooday allaha unaxariistee dhibaatadii dhinaca dhulka ee ka dhacday aaga Ceel Laamood.

Bari ayaana lagu balansan yahay haduu eebe idmo in qalinka lagu duugo heshiiska labada dhinac oo Qoraal ah.

Kulankani heshiisiinta ah ayaa waxaa hogaanka ku weheliya, masuuliyin isugu jira heer degaan, heer gobol iyo shaqsiyaad bulshada dhexdeeda ixtaraam iyo qadarin kuleh.

xigasho srtv

Comments are closed