Madaxweyne Mustafe oo ka walaacsan cudurka corona (warbixin)

Jigjiga (Nogob News) 20/06/2020

Kulanka oo uu hogaaminayay Madaxwaynaha DDS,Mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa lagaga wada hadlayay culayska iyo dhibaatooyinka cudurka faafaaya covid19, warbixanada iyo xaaladaha ugu danbeeyay ee halista cudurka covid19 ayay soo bandhigeen gudiyada kahortaga iyo hirgalinta bayaanka xalada degdega .


Waxayna gudiyadu sheegeen in tirada guud ee uu kudhacay karoona fayrasku ee kujira goobaha karantiilka degaanku ay dhanyihiin 264 qof ayna udhinteen 4 qof, waxayna cadeeyeen in uu cudurku kudhaxjiro magaalooyinka deegaanka, maalmihii lasoo dhaafayna laga helay gudaha deegaanka 14 qof. Sidoo kale waxay lasoo jeediyay talaabooyinka laga qaaday cida kuxad_gudubtay bayaanada.

Waxa kale oo laisku xog_waydaarsanayay Tabaha iyo xeeladaha lagaga hortagi karo cudurka covid 19 iyo habka loo maaraynayo dadka laga helo fayraska. waxaa kale oo kulanka lagusoo bandhigay Awaamiirtii kasoofushay wasaarada caafimaadka dalka oo ay kamid yihiin
Hoos udhigid lagu sameeyay hanaankii karantiilka qasabka ahaa, Qaabka loo aasayo maydka karoona fayraska udhinta,


Karantiilkii dadka wadanka dibadiisa kasoogala oo lagu xidhay inay wataan shahaadooyin muujinaya inay badqabaan. gabagabadii, Gudoomiyaha gudiga sare hirgalinta bayaanka xaalada degdega,ahna Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxmed Cumer, ayaa kula dardaarmay gudiyada sare iyo gudi hoosaad yada kahortaga safmarka covid 19 inay sii xoojiyaan shaqooyinka xakamynta iyo kahortaga karoona fayraska.

Mohamed Madaale Jigjiga nogobnews@hotmail.co.uk

Comments are closed