Baardheere (Nogob News) 05/07/2020
Diyaarad kale oo ka diiwaan gashan Kenyan ah ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere, ee gobolka Gedo, Axadda maanta.
Sida laga soo xigtay Flightrader24, diyaaradda waxaa iska leh shirkadda Buff Air oo dib loo aasaasay sanadkii 2015 iyadoo bixisa adeegyo xamuul iyo rakaab.
Wararka aan helayno waxay sheegayaan in diyaaraddu uu taayir ka gubtay markii ay isku dayday inay ka degto garoonka diyaaradaha. Lama sheegin cid wax ku noqotay.
Waa diyaaradii saddexaad oo ka diiwaan gashan Kenya oo shil ku gasha Soomaaliya. 4 May, diyaarad ay lahayd shirkadda African Express, ayaa ku burburtay meel u dhow degmada Bardaale ee gobolka Bay
Diyaaraddaas waxaa soo riday ciidamada Itoobiya ee aan qeybta ka ahayn howlgalka Amisom, waxaana ku dhintay dhammaan lixdii qof ee saarnaa.
Isniintii, May 25, diyaarad kale Kenya ah, oo sumadeedu tahay 5Y-VVA, ayaa lagu rasaaseeyay iyadoo ku sugnayd Qansaxdheere, Gobolka Bay ee Soomaaliya.
Comments are closed