Garoowe (Nogob News) 02/10/2020
Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu sheegay inuu dhammaaday walaacii laga qabay doorashada Soomaaliya, waxa uuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo diyaar garoobo, in hadda loo diyaar garoobayo sidii loo aadi lahaa.
Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waa uu hadalkaan sheegay xilli uu ka dhoofayay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo u safraya magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.
Xalay waxaa magaalada Muqdisho lagusoo bandhigay jadwalka doorashada xildhibaannada labada Aqal iyo hab raac kale oo la xiriira sidii loo xallin lahaa khlaafyada yimaada .
madaxweynaha maamulka Puntland ee Soomaaliya Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada magaalada Muqdisho, waxa uuna qeyb ka ahaa madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe ee ka arrinsanayay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Comments are closed